Qarax ka dhacay meel aad ugu dhaw Wasaaradda Waxbarashada DFS

Qarax ka dhacay meel aad ugu dhaw Wasaaradda Waxbarashada DFS

Raxanreeb (Muqdisho ) Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa qaraxa ka dhacay  Laamiyaha Soobe ee magaalada Muqdisho .

Waxa la sheegay in qaraxan lagu xiray xiray gaari nooca raaxada kaas oo aan la ogayn cida iska leh iyo qofka halkaas uga tagay.

Lama warin wax khasaare oo shacab ah oo qaraxaas uu  gaystay , waxaana goobta xiray durbadiiba ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Saraakiisha amniga wax faahfaahin ah ma aysan ka bixin qaraxan ka dhacay Laamiayah Soobe ee magaalada Muqdisho , halkaas oo  inta badan ah meel mashquul badan.

Halka uu qaraxa ka dhacay waxaa aad ugu dhaw  Wasaaradda Waxbarashadda Soomaaliya oo kol hore ku burburtay qaraxyo waawayn oo kooxda Al- Shabaab ay la beegsadeen.

Amaanka caasimada waxa ka jira xaalad hubinti la’aan ah  waxaana socda dadaalada Dowladda ay ku doonayso in ay ku sugto amniga  hadana waxa magaalada ka dhaca falal lidi ku ah amniga.

Maalin ka hor Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa – faray Hay’adaha Dowladda xil iska saarida ammaanka caasimadda oo qaraxyo iyo dilalba ay ka dhaceen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.