Sawirro: Axmed Madoobe oo tababar usoo xiray 150 askeri oo boolis ah

Sawirro: Axmed Madoobe oo tababar usoo xiray 150 askeri oo boolis ah

Kismaayo (Raxanreeb) — Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta tababar u soo xiray dufcada lixaad ee Ciidamada Booliska Dowlad Gobaleedka Jubaland, kuwaas oo qaatay tababar kala duwan.

Dufcadan oo ka kooban qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska gaar ahaan qeybta ka hortaga danbiyada, danbi baarista, ka hortaga rabshadaha iyo Booliska Sida gaarka ah u tababar ayaa gaaraya 150 askari iyadoo maanta tababarka loogu soo xiray Akadeeniyada Ciidanka Booliska Jubaland ee gobolka Jubada Hoose.

Ciidamadan ayaa loogu tala galay in ay la wareegaan amniga deeganada lagala wareego Al-Shabaab kuwaas oo hadda ka socda howglgalka ka dhanka ah ay wadaan Ciidamada kala duwan ee Jubaland iyo ciidamada xooga dalka.

Howlgalka lagu xoraynayo deegaanada Jubaland ee dhawaan bilowday ayaa illaa hada lagu xoreeyay Deegaanada Aw qumbaale, shandarmood, Ceelcad, Gubakibir, Canjeel iyo Janaa Cabdalle iyada oo Ciidamadan ay durba ka howlgali doonan deegaanadaas ay xoreeyeen Ciidamada qalabka Sida. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Maamulkaas.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Maxamed Islama ayaa sheegay in howlgalada bilowday ay sii socon doonan isla markaan laga xorayn doono dhammaan deegaanada Jubaland gaar ahaana Magaalada Caasimada ah ee Bu’aale wakhtiyada dhow.