Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska oo maanta la wareegay xilka

Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska oo maanta la wareegay xilka

Muqdisho (Raxanreeb) — Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa maanta xilka kala wareegay Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeya Gaas Cabdi Xasan Xijaar.

Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday Dugsiga tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Generaal Kaahiye ayaa waxaa ka sooq qeyb galay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada iyo Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Xeer ilaaliye Ku xigeenka JFS, Agaasimaha Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Hay’daha Saaxiibada la ah Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed (EUCAP, ATMIS, UNSOM & UNDP). Taliyeyaashii Hore ee Ciidamada Qalabka Sida, Taliye Xigeenada Ciidanka Boliiska, Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka iyo Guddoonka Gobolka Banaadir.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin oo ka hadlay munaasabadda xil wareejinta ayaa sheegay in isbadal ka sameen doona guud ahaan taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed isaga oo balan qaaday in uu wax ka qaban doono baahiyaha ka jira Ciidanka.

Dhanka kale Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeya Gaas Cabdi Xasan Xijaar oo khudbad ka jeediyay munaasabadda xil wareejinta ayaa ugu mahadceliyay Madaxda fursadda u siisay in uu xilkaan qabto, waxa uu sheegay in uu diyaar u yahay la shaqeynta Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Saalax Ahmed Jaamac oo ka qeyb galay Xafladda xil wareejinta ayaa xusay in ciidanka Booliisku uu yahay hooyada ciidamada kala duwan ee Qaranka, waxuuna ku booriyey hoggaanka cusub in looga fadhiyo xaqiijinta amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka.

26 January 2023-ka Shirka Golaha Wasiirrada oo uu Shirguddoomiyay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac ayaa lagu ansixiyey iyo Magacaabista Taliyaha cusub ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin.