Sawirro: Dowladda Soomaaliya oo lagu wareejiyay gaadiid dagaal

Sawirro: Dowladda Soomaaliya oo lagu wareejiyay gaadiid dagaal

Muqdisho (Raxanreeb) — Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin, ayaa maanta Midowga Yurub, kala wareegay Gaadiid dagaal oo loogu tala galay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa gaadiidkan gaashaaman mid mid u kormeeray iyadoona ay ku howlgali doonaan Guutada 14 October ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Munaasabadda lagu wareejiyay gaadiidkan ayaa goobjoog ka ahaa taliyaha Guutada 14-ka October, G/Dhaxe Nuur Maxamed Gaabow (Nuur Farey).

Gaadiidkan ayaa loogu talagalay keliya Guutada 14- October ee ka howlgala Shabeellaha Hoose gaar ahaan magaalada Marka.

Guutada 14-ka October, ayaa ka mid ah, ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwooda ugu adag kuwaas oo hadda dagaal adag kula jira kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in ay weli jiraan ciidamo badan oo aan helin gaadiid dagaal sida kuwa lagu soo tababaray dalka Eritrea.