Maraykanka oo meel mariyay sharci horseedi kara in dalka oo dhan laga mamnuuco TikTok

Maraykanka oo meel mariyay sharci horseedi kara in dalka oo dhan laga mamnuuco TikTok

Washington (Raxanreeb) — Sharci dejiyaasha Maraykanka ayaa meelmariyay sharci horseedi karo in Appkaaasi la mabnuuco.

Shirkadda weyn ee teknoolajiyadda Shiinaha ee ByteDance ayaa u baahan doontaa in ay ku iibiso saamigeeda App-ka muddo lix bilood gudahood ah ama ay wajahi doonto mamnuucid dukaamada App-ka Mareykanka iyo goobaha martigelinta websaydyada.

Arinkan ayaa daba socdo dadaallo hore oo ay sameyeen mas’uuliyiinta Mareykanka si ay u xaddidaan gelitaanka App-ka, iyaga oo tixraacaya khataraha amniga qaranka. Ma cadda waxa uu sharcigan Senate-ka ku danbeyn doono, laakiin madaxweyne Joe Biden wuxuu sheegay in uu saxiixi doono sharciga haddii uu soo gaaro miiskiisa.

Afhayeen u hadlay TikTok ayaa sheegay in hindise sharciyeedkan uu yahay “mamnuucid” wuxuuna ku boorriyay mudanayaasha in ay dhagaystaan ​​dadka soo doortay ka hor inta aysan qaadin wax tallaabo ah.

Sharci-yaqaanno ayaa sheegay in milkiilaha TikTok ByteDance uu xiriir la leeyahay xisbiga Shuuciga Shiinaha – taas oo ay beeniyeen ByteDance iyo TikTok.

Madaxweynihii hore Donald Trump ayaa ku guul daraystay inuu isku dayo inuu mamnuuco App-ka markii uu ku sugnaa Aqalka Cad sanadkii 2020.

Laakiin Trump ayaa dhaleeceeyay sharciga cusub, isagoo sheegay in xaddididda TikTok ay si caddaalad darro ah uga faa’iideysan doonto Facebook.

Xigasho Bbc