Sawirro: Isku soo bax Itoobiya looga soo horjeedo oo ka socda Muqdisho

Sawirro: Isku soo bax Itoobiya looga soo horjeedo oo ka socda Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb) — Caasimadda Muqdisho, caawa waxaa ka socda bannaanbaxyo waa weeyn oo looga soo horjeedo damaca Itoobiya ee Baddeena Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa Muqsisho ka socda bandhig faneed ay qabanayaan fanaaninta kala ah, Farciyo Kabayare iyo Big Moha, oo loo xidhay waddada Makka Al-Mukarrama.

Isku soo baxan ayaa ka socda Waddada KM4, iyadoo ay jiraan halkaasi sidoo kale bandhig faneedkana uu ka socdo kaasoo looga soo horjeedo heshiiska Somaliland iyo Itoobiya.

Ciidamada ayaa sugaya amniga dadweynaha iyagoona xiray waddooyinka dhan ee soo gala KM4, sidoo kalena dadka isku soo baxay oo ay aad u kacsanyihiin shucuurtooda.

Soomaaliya, ayaa shalay si cad uga soo horjeesatay mowqifka gurracan ee Itoobiya ku rabto badda Soomaaliya.

Sidoo kale Dowladda ayaa sameeysatay xiriiro Isbaheysi caalami ah, sidoo kalena ay taageereen dalka Masar iyo Qatar.

Dhanka kale Soomaaliya, waxaa garab istaag u muujiyay Midowga Yurub, iyo Jaamacadda Carabta, iyagoona uga digay cawaaqib xumada ka dhalan karta arrintaasi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa aad ugu carootay raalli gelina ka dalbatay IGAD, oo soo saartay warsaxaafadeed labada dhinac inay dejiyaan xaaladda taasoo Soomaaliya u cuntumi weeyday.

IGAD, sidoo kale marnaba masoo hadal qaadin khaladka weeyn ee Itoobiya ku kacday, damaceeda gurracan ee badda Soomaaliya, ku qaadan rabto.