Sawirro: SoDma oo gargaar u dirtay Jalalaqsi

Sawirro: SoDma oo gargaar u dirtay Jalalaqsi

Muqdisho (Raxanreeb) — Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo fulisay codsi kaga yimid degmada Jalalaqsi ee gobolka hiiraan taas oo ahayd in ay u baahiyiin shacabka ku dhaqan halkaasi gargaar si loo gaarsiiyo, deegaanadaasi oo saameeyn xooggan ku yeelatay fataahada xooggan ee ka dhacday dalka.

Hay’adda Sodma, ayaa xalay gaadiid ka anba bixisay Muqdisho, si loo gaarsiiyo shacabka ku dhaqan degmada Jalalaqsi.

“Iyadoo laga jawaabayo xaaladda adag ee ka jirta degmada Jalalaqsi iyo Tuulooyinka ku xeeran ee Gobolka Hiiraan, ayaa caawa Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA waxa ay duleedka magaalada Muqdisho ka ambabixisay markii labaad Gaadiid sida shixnad gargaar ah oo safar dhanka dhulka ah ku tagaya Degmadaas” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay SoDma.

“Gargaarkaan oo ah Shixnad Gargaar raashin ah ayaa dhan 30 gaadiid ah, waxaana lagu wadaa in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha degmada Jalalaqsi iyo tuuloyinka ku xeeran oo nolol adag wajahaya kadib markii Fatahaad magaladaas uu ka gaystay Wabbiga Shabeelle” ayaa lagu yiri.

“Maalin ka hor ayeey aheed markii hay’adda SoDMA ay dooni sida shixnad gargaar ah u dirtay Deegaanada Jubbaland, waxaana sidoo kale xusid mudan in gadiid kuwaan lamid ah oo sida gargaar badan ay hay’adda todobaadkii hore ay u dirtay Magaalada Mahadaay” ayaa lagu yiri qoraalka

Soomaaliya, ayaa ku dhufatay duufaanta Elńìno, loo yaaqaano taasoo dhalisay daad xooggan oo ka dhaca gobollada dalka Jubbaland, Kponfur Galbeed Hiiraan Gedo.

Sidoo kale Soomaaliya, ayaa sannadihii lasoo dhaafay ku dhowaan 5 sanno oo xiriir ah, waxaa ka jirtay abaar ba’an oo ku dhifatay dalka oo dhan taas oo ay u dhinteen dad iyo duunyaba.

default
default
default
default