Sawirro: Soomaaliya oo ka qeyb gashay shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika

Sawirro: Soomaaliya oo ka qeyb gashay shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika

Seol (Raxanreeb) — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Seoul ee dalka South Korea.

Shirka oo ah kii ugu horreeyay ee noociisa oo ay ka qayb-galayaan madaxda Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriya ayaa ra’iisul wasaare Xamsa waxa uu galabta ka jeedin doonaa khudbad madasha shirkan hadda socda.

Ra’isulwasaare Xamsa Barre, ayaa khudbadiisa kaga hadli doono qodobo dhawr ah oo ay kamid yihiin fursadaha maal gashi iyo iskaashi ee dhinaca ganacsiga ee ka jira Soomaaliya iyo dadaalka ay wado xukuumaddiisa Soomaaliya.

Shirkan oo ah, kii ugu horreeyay ayaa magaalada Seoul, ee caasimada dalkaasi ka socon doono muddo dhan 4 illaa 5 Juun ee sanadkan 2024-ka.

Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa xiriirka soo jireenka ah ee Koonfur Kuuriya, iyo dalalka Afrika, gaar ahaan dhinaca iskaashiga oo ay ugu muhiimsan tahay horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga.

Sidoo kale waxaa lagu eegi doonaa sidii iskaashi looga yeelan lahaa kaabayaasha dhaqaalaha iyo ganacsiga arrimaha horutabinta u leh dalalka Afrika, sidoo kalena Isbaddelka Cimillada, saameeynta ay ku yeelatay dalalka Afrika.

Xamsa Barre, oo shirkan ku matalaya Soomaaliya, ayaa kulamo duceedyo la yeelan doona madaxda kasoo qeeyb-galeysa shirkaasiee isagoona kala hadli doona arrimaha Soomaaliya.

[한-아프리카 정상회의] 소말리아 총리, 한-아프리카 정상회의 발언 함자 압디 바레 소말리아 총리가 4일 2024 한-아프리카 정상회의장에서 열린 한-아프리카 정상회의 세션2에서 발언하고 있다. 2024.6.4 [2024 한-아프리카 정상회의 제공]
Se inaugura la Cumbre Corea del Sur-África El 4 de junio de 2024, se celebra la ceremonia de apertura de la Cumbre Corea del Sur-África 2024, en la sede del evento, en Goyang, al noroeste de Seúl. (Yonhap) (END)
Se inaugura la Cumbre Corea del Sur-África El presidente surcoreano, Yoon Suk Yeol (2º por la izda., frente), pronuncia un discurso de apertura, durante la ceremonia de inauguración de la Cumbre Corea del Sur-África, el 4 de junio de 2024, en la sede del evento, en Goyang, al noroeste de Seúl. (Yonhap) (END)
[한-아프리카 정상회의] 소말리아 총리, 한-아프리카 정상회의 발언 함자 압디 바레 소말리아 총리가 4일 2024 한-아프리카 정상회의장에서 열린 한-아프리카 정상회의 세션2에서 발언하고 있다. 2024.6.4 [2024 한-아프리카 정상회의 제공]
[한-아프리카 정상회의] 튀니지 외교장관, 한-아프리카 정상회의 발언 나빌 암마르 튀니지 외교장관이 4일 2024 한-아프리카 정상회의장에서 열린 한-아프리카 정상회의 세션2에서 발언하고 있다. 2024.6.4 [2024 한-아프리카 정상회의 제공]