Muqdisho (Raxanreeb) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay Villa Somalia, ku qaabilay safiirka cusub ee Kenya, kaas oo lagu magacaabo Cyprian Kubai Iringo.
Safiirka ayaa laga guddoomay warqadahiisa danjirenimo, safiirka cusub ee dalka Kenya u fadhin doona Soomaaliya.
Xasan Sheekh, ayaa safiirka Kenya, ugu hambalyeeyay xilka loo igmaday isagoona sheegay in uu u rajeeynayo waajibaadka loo igmaday sidii uu u gudan lahaa.
Sidoo kale Xasan Sheekh, ayaa sheegay Kenya iyo Soomaaliya, in ahmiyad weeyn u leedahay danaha labada dal iyo guud ahaan kan gobolka.
Dhanka kale Danjire Cyprian Kubai, ayaa madaxweyne Xasan Sheekh, soo gaarsiiyay salaan iyo farriin uu kaga keenay madaxweyne William Ruto, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyed uga mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee loo sameeyay.
Sidoo kale waxa uu ballan qaaday, in uu ka shaqeyn doono xiriirka diblumaasiyadeed, ee labada dal ka dhaxeeya.
Dhowaan ayay ahayd markii markii Soomaaliya, ay safiir cusub lagu magacaabay Jibriil Cabdulle, si loo xoojiyo xiriirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya.
Soomaaliya, iyo Kenya, ayaa xiriirkoodu dowladdii hore ee madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, aad u xumaa halka dowladdani uu soo hagaagayo labada dal xiriirkoodu.