Muqdisho (Raxanreeb )- Maxkamadda G/Banaadir ayaa maanta markale u fariisaneysa dhageysiga kiis dacwadeed dil ah oo loo heysto Siid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan in uu nolosha ku gubay Xaaskiisa Marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed oo uur laheyd.
Maxkamadda gobolka Banaadir ayaana la filayaa iney go’aan kasoo saarto kiiskan waxaana hada hoolka ay kasocoto maxkamadeynta ku sugan ehelada Luul kuwaas oo sheegay in aysan ku qanceyn wax aan ahayn qisaas ayna Maxkamadda ka sugayaan cadaalad u helida alle ha u naxariistee Luul C/casiis.
Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaair ayaa horey u sheegay in aysan dooneyn in waqti badan qaadato maxkamadeynta Sayid-cali Macalin Daa’uud, waxa uuna sheegay in kiiskan si deg deg ah go’aan looga gaari doono.
Leave a Reply