Sheekh Shariif oo si kulul u cambaareeyay weerarka Iran ku qaaday Qatar

Muqdisho (Raxanreeb Onlin) Madaxweynihii hore Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si kulul u cambaareeyay gardarrada Iran ka geysatay weerarka lagu qaaday dalka walaalaha ah ee Qatar, isagoo sheegay in ay tahay ku xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo madaxbannaanida dalalka.

Wuxuu sheegay in weerarkan uu yahay mid aan la aqbali karin, islamarkaana aan wax cudurdaar ah loo heli karin, isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed ay si weyn uga argagaxeen isticmaalka xoogga militari.

Sheekh Shariif wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku lugta leh xiisadda Bariga Dhexe in ay muujiyaan is-xakameyn, kuna laabtaan miiska wadahadalka si looga hortago khatar hor leh oo gobolka ka dilaacda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.