DF Somalia oo si kulul uga hadashay weerarkii Iiran ay ku qaaday Qatar

DF Somalia oo si kulul uga hadashay weerarkii Iiran ay ku qaaday Qatar

Muqdisho (Raxanreeb Online) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii Dowladda Iran ay ku qaaday Dowladda Qatar.

Dowladda Soomaaliya ayaa falkaas ku sifeysay mid si cad ugu xad-gudbay qawaaniinta caalamiga ah, isla markaana khatar weyn ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay si buuxda u garab taagan tahay dowladda iyo shacabka dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar, waxayna xaqiijineysaa in ay si hagar la’aan ah u garab taagan tahay madaxbannaanida, amniga, iyo wadajirka dhuleed ee Qatar.

“Soomaaliya waxa ay ku adkaysanaysaa inay ka go’an tahay nidaam caalami ah oo ku salaysan xeerar, kaas oo ku qotoma ixtiraamka madaxbannaanida qaranka, ku xad-gudubka xuduudaha, iyo xallinta khilaafaadka si nabad ah wadahadal iyo isfahan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay sii deysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Ugu dambeyn qoraalka kasoo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu booriyay in dhammaan dhinacyada inay is-xakameeyaan, “waxaan ugu baaqaynaa beesha caalamka inay u midoobaan ilaalinta nabadda iyo ixtiraamka dalalka madax-bannaan.“

Leave a Reply

Your email address will not be published.