Shir looga hadlay khilaafka Soomaaliya & Itoobiya oo ka dhacay Azerbaijan.

Shir looga hadlay khilaafka Soomaaliya & Itoobiya oo ka dhacay Azerbaijan.

Azerbaijan (Raxanreeb )- Dalalka Carabta iyo Bartamaha Aasiya oo dowladda Soomaaliya ku taageeray diidmada heshiiskii is-afgarad ee ay Itoobiya la gashay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland.

Kalfadhigii 3-aad ee Madasha Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Carabta, dalalka Bartamaha Aasiya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan oo lagu soo gaba-gebeeyey magaalada Doha ee Caasimadda dalka Qatar, ayaa laga wada hadlay caqabadaha iyo fursadaha ku xeeran horumarinta iskaashi wadajir ah ee dalalka xubnaha ka ah.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Wadamada Carabta, Azerbaijan, Uzbekistan, Tajikistan, Turkmenistan, Jamhuuriyadda Kyrgyz, Kazakhstan iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Ahmed Aboul Gheit

Sida lagu sheegay yabaan ka kasoo baxay shirkan oo ka dhacay magaalada Doha, waxay caddeeyeen in Soomaaliya ‘xaq u leedahay inay si sharci ah u difaacdo dhulkeeda’ sida ku cad qodobka 51-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay iyo qodobbada khuseeya Axdiga Jaamacadda Carabta, lana taageeray.’

Leave a Reply

Your email address will not be published.