Muqdisho (Raxanreeb) — Magaalada Muqdisho Waxaa maanta ka furmay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ay ka qaybgalayaan Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada Jubbaland, Galmudug, Hir-Shabeelle & Koofur Galbeed.
Shirkaan waxaa ka maqan Madaxweynaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo sidaan oo kale uga maqnaa kulankii ka dhacay Magaalada Baydhabo Xarunta KMG ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.
Maxaa looga hadlayaa Shirkani.?
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka waxaa diiradda lagu saarayaa saddex qodob oo waaweyn oo kala ah: Amniga Dalka, howlgalka wajiga labaad ee la dagaalka ‘AS’ iyo Arrimaha Deyn Cafinta Soomaaliya.
Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulankaan shir Guddoominaya, waxa ay Madaxda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ay uga arrinsanayaan sidii loo dhaqangelin lahaa qodobada ay kawada hadlaan.