Madaxii hawlgallada dibadda ee al-Shabaab oo la dhaawacay

Madaxii hawlgallada dibadda ee al-Shabaab oo la dhaawacay

Jilib (Raxanreeb) Madaxii hawlgallada dibedda ee ururka al-Shabaab ayaa lagu dhaawacay duqayntii Sabtidii ka dhacday Jilib, sidaas waxaa sheegay dawladda Soomaaliya.

Cusmaan Maxamed Cabdi, oo ku magacdheer Macallin Cusmaan ayaa lagu dhaawacay duqayntaas. Ilaa hadda ma cadda nooca dhaawaca soo gaaray.

Ilo-wareedyo ayaa sheegay in Macallin Cusmaan uu horey u noqday madaxa difaaca ee Al-Shabaab.

Taliska ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ayaa sidoo kale xaqiijiyay in qiimaynta lagu sameeyey hawlgalkaas in mid ka mid ah hoggaamiyayaasha al-Shabaab lagu dhaawacay.

AFRICOM ayaa intaas ku daray in hawlgalkan iskaashi lagala sameeyey dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Hawlgalkan ayaa imanaya iyadoo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya Mahad Salaad iyo wafdi uu hoggaaminayo ay booqasho ku joogaan dalkan Maraykanka.

Mahad Salaad iyo wafdigiisa ayaa muddo toddobaad ah oo ay joogeen dalkan Maraykanka kulamo la yeeshay madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka, iyo kuwa hay’adaha CIA iyo FBI.

Leave a Reply

Your email address will not be published.