Garoowe ( Raxanreeb Online) Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah ula wareegay ciidan beeleed, iyadoo tallaabadan lagu sheegay mid lagu xoojinayo amniga, laguna mideynayo ciidamada ka howlgala deegaannada maamulka.
Mas’uuliyiinta Puntland ayaa sheegay in ciidamada la wareegay lagu sameyn doono diiwaangelin, tababar iyo habeyn, si ay uga mid noqdaan ciidamada rasmiga ah ee Puntland. Waxay sidoo kale xuseen in qorshahan uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo la dagaallanka kooxaha hubeysan iyo sugidda amniga deegaannada.
Saraakiil ka tirsan ciidamada ayaa ciidamada cusub kula dardaarmay inay ilaaliyaan sharciga, shacabka iyo kala dambeynta, isla markaana ay gutaan waajibaadkooda ciidan si hufan.
Dhinaca kale, maamulka Puntland ayaa sheegay inuu sii wadi doono dadaallada lagu mideynayo ciidamada kala duwan, si loo helo ciidan isku dhafan oo leh hoggaan mideysan, awoodna u leh ilaalinta amniga iyo xasilloonida guud ee Puntland.

Leave a Reply