Siciid Deni oo kulamo kawada magaalada Badhan

Badhan ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta gaaray magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, waxaana halkaasi ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin katirsan Puntland ee qeybaha kala duwan ee bulshada.

Siciid Deni, ayaa marka hore booqasho ugu tagay Suldaan Maxamuud Cali Shire oo kamid ah hoggaanka dhaqanka ee magaaladaasi, isla markaana kala hadlay nabadeenta gobolka.

Deni, waxaa safarkiisa ku helinaya guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee golaha wakiilada Puntland Maxamed Baari Shire, iyo xubno katirsan goleyaasha maamulkaas iyo saraakiil ciidan.

Sidoo kale Madaxweyne Deni,  ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta dhismaha cusub ee taliska qeybta Booliiska ee Gobolka Sanaag oo loo dhisay si la mid ah xarumaha kale ee Gobollada, waana qeyb ka mid ah dib-u-habeynta iyo tayeynta Booliska oo ay Dowladda Imaaraadku ka taageertay Puntland.

Geesta kale Deni, ayaa durbo bilaabay kulamo uu la qaadanayo mas’uuliyiinta iyo waxgaradka gobolka, isaga oo kala hadlaya in laiska kaashado xoojinta amniga iyo wadashaqeynta maamulka.

Sikastaba, socdaalka Siciid Deni uu maanta ku tagay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, ayaa ku soo beegmaya xili maalmo ka hor magaalada Badhan ay ka dhaceen dibaxyo rabshado wata oo looga soo horjeedo imaanshaha Deni ee magaalada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.