Somaliland iyo SSC oo dhaq-dhaqaaqyo kawada Sool

Somaliland iyo SSC oo dhaq-dhaqaaqyo kawada Sool

Muqdiaho (Raxanreeb) — Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo ay dhaq-dhaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda ka wadaan halkaasi.

Dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee labada dhinac ka wadaan Gmgobolka Sool, ayaa daba socda hanjabaado iyo digniin ay hawada isku mariyeen labada dhinac.

Dadka deegaannada ay isku hor fadhiyaan ciidanka Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo ayaa ka cabsanayaan in lagu dul dagaalamo, xilli labada dhinac ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo xooggan.

Somaliland ayaa ayadu maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daad-gureyneysay dhanka furimaha dagaalka, si ay u xoojiyaan kuwa ku sugan halkaasi, oo iyagu damacsan in ay duullaan ku qaadaan goobihii laga qabsaday dabayaqada bishii lasoo dhaafay.

Somaliland ayaa wada qorshe ay ku dooneyso in dib gacanteeda ugu soo celiso deegaano ay sheegtay in Somaliland ay hoostagaan oo kamid ah gobolka Sool, sida ay xaqiijisay wasaaradda gaashaandhigga Somaliland.

SSC-Khaatumo ayaa dhankeeda sheegtay in ay waajibkeeda ka gudaneyso isku-deyga ay qorsheynayso Somaliland, ayada oo meesha ka saartay sheegashada Somaliland ee ah in Laascaanood ay hoostagto.

Somaliland ayaa dagaalkii dabaqayaadii August looga adkaaday, iyada oo laga qabsaday saldhigga Gooja-cadde. Wixii markaas ka dambeeyay waxay wadday abaabul dagaal, iyada oo ciidamo soo dhoobtay aagga.

Si kastaba, waxaa durba isa-soo taraya walaaca laga muujinayo dagaallo markale dhexmara ciidanka Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo, ayada oo hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ay ka digeen in waxyeello kale ay ka dhashaan dagaallada la abaabulayo, maadaama kuwii horay u dhacay ay galaaftern nolosha dad aan illaa hadda tira-koob rasmi ah lagu sameyn.