Muqdisho (Raxanreeb ) Baabuur ay saarnaayeen walxaha qarxa ayaa lagu weeraray maanta oo Arbaca ah xero Ciidanka Boolis militaaro ay ku leeyihiin degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxan lagu dhuftay bar-koontarool oo ay ciidamada dowladda, gaar ahan kuwa Boolis Milataro ku leeyihiin halkaasi, waxaana goobta laga maqlay rasaas.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in qaraxa uu waxyeelo gaarsiiyay guryo ka agdhow xerada la weeraray.
Lama oga ilaa hadda khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxa, waxaana aaga uu ka dhacay weerarka ismiidaaminta ah xiray ciidanka ammaanka oo diiday in loo soo dhawaado.
Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaas, inkastoo ay socdaan gurmayo iyo baaritaano ay wadaan ciidanka amniga.
Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, ayada oo shaacisay inay beegsatay xero ciidan oo ku taalla halkaas, sida ay hadalka u dhigtay.
Leave a Reply