‘’ Soomaaliya amnigeeda way ku filan tahay  ka dib ATMIS ‘’ – Jawaabta DFS ee   Ruto.

‘’ Soomaaliya amnigeeda way ku filan tahay  ka dib ATMIS ‘’ – Jawaabta DFS ee   Ruto.

Muqdisho (Raxanreeb )- Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimahada dibadda Soomaliya Cali Balcad ayaa ka jawaabay hadalkii madaxwaynaha Kenya Ruto, isagoo sheegay in marxaladda Soomaaliya aysan lamid aheyn midii ka dhacday Afgaanistaan.

Cali Balcad ayaa sheegay  in Soomaaliya aysan khatar geli doonin hadii ciidanka ATMIS ay waqtigooda ku baxaan, isagoo meesha ka saaray cabsida uu muujiyey madaxweynaha Kenya.

“Kooxaha argagixisada ah ee Soomaaliya aad ayey uga duwan yihiin kuwa Afgaanistaan, bixitaanka ciidamada ATMIS ma horseedi doonto xaalad lamid ah tii Afgaanistaan, waxaan ku dadaali doonaa inuu guuleysto dadaalka ay xasilloonideeda xaqiijineyso Soomaaliya,”

Cali Balcad oo qoraalkaan ku baahiyey bartiisa Twitter-ka ama X ayaa in Soomaaliya aysan khatar geli doonin hadii ciidanka ATMIS ay waqtigooda ku baxaan, isagoo meesha ka saaray cabsida uu muujiyey madaxweynaha Kenya.

Si kastaba ha ahaatee Kenya ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga kumannaan askari oo ka tirsan ATMIS iyo kuwa aan ATMIS-ka ahayn, si ay ula dagaalamaan Alshabaab.

Kenya waxa ay sare u qaadday cabsida ah in ka bixitaanka degdega ah ee ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS ay faaido ugu jirto Al-Shabaab oo aan kaliya weeraro ka geysan Soomaaliya, balse ka howlgala qeybo ka mid ah Kenya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.