Muqdisho (Raxanree online) – Baashe Yuusuf Axmed Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa la kulmay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Wang Yu.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay, waxaana ay isla garteen in la sii xoojiyo wada shaqeynta Garsoorka ee Soomaaliya iyo Shiinaha, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.
Danjire Wang ayaa yiri, “Waxaan wadahadal dhiirigelin ah la yeeshay guddoomiyaha maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed oo ku saabsanaa sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga garsoorka ee labada dal”.
Leave a Reply