Soomaaliya oo ku biirtay guddiga cimillada dhaqaale

Soomaaliya oo ku biirtay guddiga cimillada dhaqaale

Muqdiaho (Raxanreeb) — Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku biirtay Guddiga Fulinta Cimillada Maaliyadeed, kuwaas oo ka kooban 6 xubnood.

Guddigan ku biiristiisa ayaa lagu sheegay munaasabad ay ka qeey gashay Wasiiradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimillada ee Soomaaliya Khadiija Maxamed Makhzumi, ay kaga sheegtay caqabadaha ka jira dalka ee u helidda dhaqaale Isbaddelka Cimillada.

Sidoo kale Makhzumi, ayaa sheegtay caqabadaha adag ee u helidda dhaqaale Cimillada ay Soomaaliya kala kulanto helista dhaqaale ku filan in aysan jirin iyadoona sheegtay hiigsiga qanaka ku wajahan yahay Cimillada iyo isbaddelka doonka.

“Hawl-wadeennada Maaliyadda Cimilada, oo ay Soomaaliya ku jirto, waxay diyaar u yihiin inay sameeyaan tallaabooyin wadajir ah oo dib loogu qaabeynayo muuqaalka maaliyadda cimilada adduunka.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay DFS.

Soomaaliya, ayaa wajaheysa cimillo xun sannadihii danbe iyadoo ay jirtay abaaro ba’an oo galaaftay nolosha kumannaan kun dad iyo duunyaba.

Soomaaliya, ayaa sannadkan wajaheysa haddane fatahaado xooggan oo uu sababay roobab mahiigaan ah, iyo Wobiga Shabeelle iyo Jubba, halka ay deegaannada qaar weli ku go’doonsan yihiin dad badan biyo darteed.

Dowladda Soomaaliya, ayaa wada dedaallo lagu samatabixinayo shacabka ku dhaqan gobolladaasi, iyo kuwa ka barakacay fatahaada loogu sameynayo gurmad binia’aadannimo.