Muqdisho (Raxanreeb) — Faah faahino dheeraad ah, oo laga helayo duqeymo ka dhacay xalay degmada Bu’aale iyo Saakow, ee gobolka Jubbada Dhexe, ee Soomaaliya.
Duqeyntan ayaa ahayd mid ah, bartilmaameed, laguna beegsaday xubno ajaaniib ah, kuwaas oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.
Duqeeyntan, ayaa lagu beegsaday xarumo bakhaaro lagu keeydiyo hubka iyo qaraxyada kuwaas oo Al-Shaabab, ku lahaayeen deegaannadaasi.
Ma jirto khasaaraha rasmiga ah, ee ka dhacay xalay deegaanada Bu’aale iyo Saakoow, sababtoo ah, waxaa aad ugu xooggan kooxda Al-Shabaab, mana jirto internet ay bulshada isticmaalaan.
Dhanka kale wax war ah, oo kasoo baxay labada dhinac ee Dowladda Federaalka iyo Kooxda Al-Shabaab.
Dhowaan ayay ahayd sidoo kale duqeeymo xooggan oo lagu beegsaday degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ee Soomaaliya.
Dowladda Federaalka iyo saaxiibbada caalamiga ah, ayaa iska kaashada inta badan duqeymaha lagu beegsado kooxaha Al-Shabaab, iyi ISIS.