Soomaaliya oo loogu deeqay $75 Milyan

Soomaaliya oo loogu deeqay $75 Milyan

Muqdisho (Raxanreeb) — Bankiga adduunka ayaa sheegay in Soomaaliya la siiyey kaalmo lacageed oo gaaraysa illaa $75 million, taas oo ah deeqdii labaad ee la siiyo Soomaaliya, si ay gacan uga geysato koboca awoodda hay’adaha dawliga ah, sida lagu sheegay war-saxafaadeed ka soo baxay Bangiga Adduunka.

Lacagtan ayaa qayb ka ah, kaalmooyin xiriir ah oo la siinayo Soomaaliya, taas oo Bankiga Adduunku uu sheegay inay ka taageerayso Soomaaliya, inay horumar ka samayso hiigsigeeda ku aaddan, inay noqoto mid si rasmi ah ugu qalanta, deyn cafinta.

Bankiga Adduunka ayaa sheegay in Soomaaliya ay waddo hirgelinta barnaamijkeeda dib u habaynta, si loo kobciyo awoodda hay’adaha dawliga ah, loona soo jiito maalgashadayaasha isla markaana loo gaadho koboc dhaqaale oo loo dhan yahay iyo shaqo abuur, kuwaas oo ku lingaxan qorshaha horumarinta qaran ee sagaalaad.

Barnaamijka horumarinta qaran ayay ku jiraan qodobo kala duwan oo mudnaan u leh, in Soomaaliya ay horumar samayso, waxaana Bangiga adduunku uu sheegay in qodobadaas qaybo ka mida ay ka taageereen Horumarinta Siyaasadda Maaliyadda ee loosoo gaabiyo DPF.

Haddaba Prof. Xuseen Warsame oo ah dhaqaalayan Soomaaliyeed oo bare ka ah Jaamacadda Calgary ayaan weydiinay warbixintan iyo lacaga malaayiinta ee ku xusan waxay uga dhigan yihiin dowladda Somaaliya balse marka hore wuxuu faahfin ka bixinayaa bayaanka.