Soomaaliya oo safiirkii ugu horreeyay u dirtay Eritrea

Soomaaliya oo safiirkii ugu horreeyay u dirtay Eritrea

Asmara (Raxanreeb) — Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa safiirkii ugu horreeyay u dirtay dalka Eritrea, safiirka ayaa loo magacaabay Cumar Idris oo horey u ahaan jiray safiirka dalka Qatar.

Danjire Idris, ayaa waraaqihiisa aqoonsiga laga guddoomay Jimcihii soo tagay halka uu ka guddoomay madaxweyne Isaías Afewerki.

Danjire Cumar, ayaa bartiisa X soo geliyay qoraal uga hadlay xilka loo magacaabay iyo inuu noqonayo safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona Eritrea.

“Sharaf ayay ii ahayd in aan noqdo safiirkii ugu horreeyey ee Soomaaliya u fadhin doona Erirea taariikhda labada dal ee walaalaha ah.” ayuu ku yiri qoraalkaasi.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea, ayaa sheegay danjire Cumar in uu qeeyb ka ah, 17 danjire oo Isaías Afewerki, aqoonsiga ka guddoomay Jimcihii lasoo dhaafay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa xiriirkooda sii xoogeystay sannadihii lasoo dhaafay ee dowladdii hore madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Eritrea ayaa Dowladda Soomaaliya u tababartay kumannaan askeri oo ka tirsan millateriga Soomaaliya kuwaas ku dhowaad 5 sanno u jiray tababar dalka Eritrea.

Xasan Sheekh ayaa Eritrea iyo madaxweynihii hore ee Farmaajo ku eedeyn jiray in ciidamadaasi ku raagay dalkaasi ay nooleen halka la geriyay dagaalkii qaraaraa ee Itoobiya Tigray.