Spain oo iska xaadirisay kama dambeysta tartanka kooba Adduunka

Miami ( Raxanreeb Online) Xulka dalka Spain ayaa xalay waxa uu gaaray kama dambeysta koobka Adduunka 2026, kaddib markii 2-0 uu kaga badiyay dalka France.

Spaim oo ku guuleystay Koobkii Adduunka 2010 oo ciyaar cajiib ah soo bandhigay, islamarkaana France ka ciyaar wanaagsanaa waxaa goolasha u keenay ciyaaryahanada Mikel Oyarzabal iyo Pedro Porro.

Sidoo kale dalka France oo ka mid ahaa xulalka sanadkan loo saadaalinayay Koobka Adduunka ayaa xalay la waayay meel uu ka dhacay, iyada oo ay ku dhacday guuldarro xanuun badan oo lala yaabay.

Xulka Spain ayaa ciyaart kama dambaysta ah la ciyaari doona midkii soo baxa xulalka England iyo Argentina oo caawa wada ciyaaraya 10:00 PM, waqtiga geeska afrika.

Ciyaarta kama dambaysta ah ee Koobka Adduunka waxaa 19-ka bishan lagu qaban doonaa garoonka MetLife Stadium oo ku yaalla magaalada East Rutherford, gobolka New Jersey ee dalka Maraykanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.