Dhuusamareeb ( Raxanreeb Online) Wararka inaga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug, ayaa sheegaya in askari katirsan ciidanka xoogga oo dilay qof shacab ah gacanta lagu dhigay.
Goob jogayaal ayaa sheegay in askariga uu dilay wiil dhallinyaro ah oo ku shaqeysan jiray baalashka kabaha ( Caseeye), kaddib muran soo kala dhex-galay wiilka iyo askariga.
Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in dadka shacabka ah ay gacanta ku dhigeen askariga oo doonayay inuu goobta ka baxsadeen, isla markaana ay qoriga ka qadeen.
Sidoo kale askariga ayaa la sheegay in geeyey saldhiga ciidanka booliska magaalada Dhuusamreeb. Weli laamaha amniga kama aysan hadlin.
Wixii kusoo kordho warkan halkan kala socon

Leave a Reply