SSC oo warsaxaafadeed kasoo saaray dagaal saakay ka dhacay duleedka Laascaanood

SSC oo warsaxaafadeed kasoo saaray dagaal saakay ka dhacay duleedka Laascaanood

Laascaanood (Raxanreeb) — Maamulka cusub ee SSC ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray dagaalka saakay ka billowday meel u dhow degmada Oog oo u dhaxeysa Buur-dharkeyn iyo Yeeyle ee gobolka Sool.

SSC ayaa sheegtay in ciidamada Somaliland ay saaka weerar ku soo qaadeen degmada Yeeyle iyo goobo ay ku sugnaayeen wufuud nabadeed oo uu hoggaaminayo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, kuwaas oo la sheegay in sadexdii maalmood ee la soo dhaafay ay ku sugnaayeen deegaanadaas.

Weerarkii ka dhashay duullaankaas ayay sheegeen inuu weli socdo, kaas oo u dhaxeeya labada dhinac.

Waxay sidoo kale warsaxaafadeedka ku sheegeen in xoogagga SSC Khatumo ay gacanta ku dhigeen maxaabiis iyo gaadiid dagaal oo ay sheegeen inay saxaafadda u soo bandhigi doonaan saacadaha soo socda.

”Maamulka SSC Khaatumo wuxuu ogeeysiinayaa dowladda federaalka iyo beesha caalamka inay diyaar u yihiin nabad kula noolaanshiyaha deriskooda isla marakaana ay u hogaansamayaan xeerarka caalamiga iyo go’aanada golaha ammaanka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.