Baydhabo (Raxanreeb) — Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagraeen), ayaa ka hadlay markii ugu horreeysay mowqifkiisa ku aaddan Dastuurka Kumeel Gaarka ee Soomaaliya.
Madaxweyne Laftagareen ayaa go’aankan uga dhawaaqay kulan uu isgu yeeray labada aqal ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, ku matala maamulka Koonfur Galbeed, isagoona sheegay sababta uu isgu yeeray ay tahay wadatashi nidaamka cusub ee dowlad dhiska iyo wax ka baddelka Dastuurka Kumeel Gaarka Soomaaliya.
“Qodobka saddexaad ee aan ka tashan doono waa arrimaha siyaasadda iyo sida ay hadda waxa u socdaan iyo nidaamkan cusub ee dowlad dhiska ah iyo isbeddalka wax ka beddalka dastuurka inaan iyadana wadatashi ka yeelano” ayuu yiri Laftagareen.
Laftagareen ayaa xusay in ay aad muhiim ugu tahay in la dhameeystiro dastuurka kaas oo hadda qabyo ah, Laftagareen ayaa sheegay inay doorka kaga aadan ka qaadan doonaan sidii loo dhameeystiri lahaa Dastuurka qabyada ah.
“Waa wax sharci ah oo dastuuri ah oo waajibaad qaran ah in dastuurka Soomaaaliya uusan qaybo ahaanin oo la dhammeystiro waa wax waajib ah oo dadka Soomaaliyeed u yaallo, xildhibaanada federaalka u yaalla, siyaasiyiinta iyo madaxda Soomaaliyeedna laga rabo in ayadana aan ka tashano” ayuu yiri madaxweyne Laftagareen.
“Soomaaliya waxaan rajayneynaa isbeddal sharciyadeed inuu imaanaayo in aragtida annaga ay mideysan tahay oo aan qaadano go’aano muhiim ah oo dalka anfacaayo”. ayuu sii raaciyay isagoo hadalkiisa wata.
Hadalka madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen, ayaa kusoo aadaya iyadoo hadda ay ka jirto magaalada Baydhabo kulamo ay ka jiraan, kuwaas oo looga arrinsanayo doorashooyinka kusoo aadan.
Soomaaliya, ayaa haatan daneneyaa inay u guurto, nidaamka cusub ee laga saarayo ra’isulwasaaraha halka loo guurayo madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen, taaa oo markii hore aan jiri jirin.
Madaxweyne Xasan Sheeikh Maxamuud, ayaa waday ololahan sannadkan iyadoona laga biyo diiday qorshihiisa ku aadan wax ka baddelka siyaasadda.
Horey ayay ahayd markii uu ku dhowaaqay hadalkan ay mucaaradka soo saareen war saxaafadees ku aaddan hadalka Xasan Sheekh Maxamuud.