Sudan oo u yeertay ergayga Itoobiya oo ka hadlay hub loo gudbinayay Tigreega

Sudan oo u yeertay ergayga Itoobiya oo ka hadlay hub loo gudbinayay Tigreega

Sudan (Raxanreeb) Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Sudan, ayaa u yeertay safiirka Itoobiya u fadhiya dalkeeda, Yibeltal Aemeru, kaddib markii uu Khartoum ku eedeeyay inay ku xad-gudubtay xeerarka dublamaasiyadeed, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dawladda Sudan ee (Suna).

Safiirka ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in ciidamada Itoobiya ay soo rideen diyaarad hub u siday ciidamada Jabhadda Tigreega ee (TPLF), taasoo kusoo xad-gudubtay hawada Itoobiya, iyadoo soo martay dalka Sudan.Aggaasime ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Sudan, danjire Fadil Abdallah Fadil, ayaa sheegay in eedeymaha loo soo jeediyay “ay kahor imanayaan dhaqanka dublamaasiyadeed ee caadiga ah”.

Dowladda Sudan ayaa kal hore beenisay ashtakada ay usoo jeedisay dowladda Itoobiya, ee ah inay taageerto kooxda TPLF, oo tan iyo bishii November ee 2020-kii kula dagaalamaysay dawladda Itoobiya waqooyiga gobolka Tigreega.

Labadda dal, ayaa sidoo kale waxay isku heystaan lahaanshaha gobolka barwaaqada ah ee xuduudka ee Al-Fashaga, waxaana sidoo kale u dhaxeeya muran muddo tobanaan sano ah, kaasoo la xiriira biyo xireenka Grand Renaissance ee Itoobiya

Leave a Reply

Your email address will not be published.