Wasiirka Wasaaradda Cimillada oo kulan la yeelatay madaxa Hay’adda UNDP

Wasiirka Wasaaradda Cimillada oo kulan la yeelatay madaxa Hay’adda UNDP

Sudan (Raxanreeb) Wasiirka Wasaaradda Deegaanka & Isbeddelka Cimlilada Marwo Khadiija ayaa maanta la kulantay Wafdi uu hogaaminayay u qaybsnaha Soomaaliya ee Hey’adda UNDP Mr. Jocelyn Mason.

Kulankan oo goobjoog ay ka ahaayeen Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Mne. Dr. Adam Aw Xirsi iyo Agaasimaha Guud Mne. Axmed Yusuf ayaa Ku saabsanaa xoojinta wadashaqeynta iyo iskaashiga ay Wasaaradda la leedahay Hey’adda UNDP

Wasiiradda ayaa kulanka kusoo bandhigtay howlaha mudnaanta u leh Wasaaradda iyada oo ay kala hadashay UNDP in ay taageerto Istraatiijiyadda Dowladda ee Ilaalinta Deegaanka iyo waxkaqabashada Isbeddelka cimilada, sidoo kale kulankan ayaa looga hadlay u diyaargarowga ka qaybgalka shirweynaha Isbeddelka cimilada Adduunka COP27 ee ka dhacaya Dalka Masar oo wafdi heersare oo ka socda Soomaaliya oo ay ka qaybgali doonaan

Ugu dambeyn, kulankan ayaa waxaa la isku afgratay in la xoojiyo wadashaqeynta iyo iskaashiga dhinacyada iyo in la taabogeliyo howlaha mudnaanta leh ee horyaala Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.