Ukraine ( Raxanreeb Online) Saraakiisha ku sugan caasimadda Ukraine ayaa sheegay in weerar ballaaran oo ay Ruushku ku qaadeen gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn uu dilay ugu yaraan 13 qof.
Dhismayaal la deggan yahay, hoteelo iyo xarun ay ku sugan yihiin gaadiidka gurmadka degdegga ah ayaa la beegsaday xalay.
Madaxa maamulka militariga ee Kyiv, Timur Tkachenko, ayaa ku eedeeyay Moscow inay si ula kac ah u dishay dad rayid ah.
Wasaaradda Difaaca ee Russia ayaa sheegtay inay qaaday weerar “aad u ballaaran” oo ay ku sheegtay inuu jawaab u ahaa weerarradii ay Ukraine ku qaaday kaabayaasha rayidka.
Ukraine ayaa toddobaadyadii u dambeeyay xoojisay weerarradeeda ay ku fuliso diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada, iyadoo inta badan bartilmaameedsata warshadaha sifeynta shidaalka, si ay ugu cadaadiso Ruushka inuu galo wadaxaajood.

Leave a Reply