Talibaan oo markii ugu horeysay goob fagaaro ah dad ku karbaashay

Afganistan (Raxanreeb) — 11 qof ayay maamulka Taliban meel fagaare ah ku karbaasheen waqooyi bari ee dalka Afghanistan. 11 qof ayaa isugu jiray sagaal rag ah iyo labo dumar ah.

Goobta fagaaraha ee dadkani lagu karbaashayay ayaa waxaa ku sugnaa dadweyne aad u fara badan oo ay ku jiraan saraakiil sarsare oo ka tirsan Taliban, aqoonyahanno iyo odayaal.

Maxkamadda sare ee Islaamiyiinta ayaa ku eedeysay dadkan inay galeen dambiyo ay ka mid yihiin kuwa dhanka akhlaaqiyaadka ah iyo xiriir sharci darro ah.

Waa markii ugu horeysay oo ay kooxda Taliban goob fagaaro ah ay ku karbaashaan dad dambiyo loo haysto tan iyo markii Taliban ay xukunka la wareegeen 18 bilood ka hor.