Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho maanta oo Isniin ah waxaa lagu wadaa inuu ka furmo koobka Degmooyinka gobolka Banaadir.
Waxaa ka qayb – galaya Tartankan Cayaaraha oo sanadkiiba mar lagu qabto magaalada Muqdisho 18 degmo iyo seddax deegaanka oo ka mid ah caasimadda dalka.
Degmada Balcad ee Shabeellaha Dhexe ayaa sidoo kale lagu casuumay ka qayb galka Tartanka Cayaaraha degmooyinka gobolka Banaadir.
Tartankan waxa lagu qaban doona Garoonka kubadda cagta ee Eng Yariisow , waxaana ka qayb gali doono masuuliyiin dhanka cayaaraha.
Shacab badan oo ka kala imaan doono degmooyinka qaar ee magaalada ayaa lagu wadaa in ay ka qayb galaan , tartankan maanta ka dhacaya Garoonka kubadda cagta ee Eng Yariisow.
Tartankan ayaa imaanaya , iyadoo Dowladda ay ku dadaalayso wax ka qabashada amaanka magaalada Muqdisho.
Si kasta masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ayaa hadalo ka jeedin doono furitaanka Tartankan oo ah mid aad u xiiso badan si , gaar ah madaxda maamulka gobolka Banaadir.
Leave a Reply