Taliban oo dishay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Daacish

Taliban oo dishay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Daacish

Kapul (Raxanreeb) — Hoggaamiyaha kooxda Daacish ee la rumeysan yahay inuu ka dambeeyay qaraxii lagu hoobtay ee sanadkii 2021-kii ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kabul, ayaa waxaa dilay maamulka Talibanka ee xukuma dalka Afghanistan, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah.

Duqeyn dhacday bishii Agoosto sanadkii 2021-kii, ayaa waxaa ku dhintay 170 qof oo shacab ah, iyo 13 askari oo Mareykan ah, xilli ay dadku isku dayayeen inay dalka ka baxsadaan, markii ururka Taliban ay la wareegeen talada dalkaasi Afghanistan.

Hoggaamiyaha Daacish, ayaa la dilay dhowr toddobaad ka hor, balse muddo ayay qaadatay in la xaqiijiyo dhimashadiisa, sida ay saraakiisha Mareykanka u sheegeen BBC-da iyo warbaahinta CBS.

Wali lama shaacin magaciisa.

Saraakiisha Mareykanka, ayaa sheegay inay ku ogaadeen sirdoonkooda in hogaamiyahaasi uu geeriyooday, inkastoo aysan faah faahin dheeri ah ka bixin, sida ay ku ogaayeen inuu ahaa shaqsigii ka dambeeyay weeraradii qaraxyada ahaa.

“Khubarada dowladda ayaa aad u aaminsan in qofkan…uu ahaa maskaxdii ka dambeysay weeraradii lagu qaaday garoonka diyaaradaha,” sarkaal sare oo Mareykan ah ayaa u sheegay CBS.

Sida lagu sheegay maqaal lagu daabacay wargeyska New York Times, Maraykanka ayaa ka war helay geerida hoggaamiyihii IS horaantii bishan April. Ma cadda in uu bartilmaameed u ahaa Taliban iyo in lagu dilay dagaalka u dhaxeeya IS iyo Taliban, sida uu qoray wargeyska.