Shir ku saabsan “aayaha” ATMIS oo ka furmaya Kampala

Shir ku saabsan “aayaha” ATMIS oo ka furmaya Kampala

Kampala (Raxanreeb) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kampala, halkaas oo uu ka ga qeyb-galayo shir-madaxeedka dalalka Ciidamadooda  ka qeyb-qaadanayaan xasilinta iyo nabadda dalkeenna (ATMIS), iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay shirka ku soo bandhigayso sida ay uga go’an tahay in ay la wareegto amniga dalka dhammaadka sannadka soo socda.

Madaxda ayaa ka arrinsanaya hannaanka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ay si buuxda ugula wareegi lahaayeen amniga dalka dhammaadka sannadkan iyo qorshaha Ciidamada Afrika ee ku sugan Soomaaliya ay kaga qeyb qaadanayaan howlgallada dalka lagaga saarayo Alshabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya guulaha isdabajoogga ah ee geesiyaasha Soomaaliyeed ay ka soo hoyeen howlgalka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka Alshabaab ayaa xoogga saaraya abaabulka taageerada farsamo iyo milatari ee wajiga labaad ee howlgalka  Alshabaab dalka iyo guud ahaan gobolka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.