Taliska Nabad Sugidda Koonfur Galbeed oo soo bandhigay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Baydhabo (Raxanreeb) — Taliska Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo bandhigay 10 xubnood oo la sheegay in ay katirsanaa Al-shabaab ku waas ka soo goostey kooxda.

Saraakiisha Koonfur Galbeed ayaa sheegey in xubnahan ay soobandhigeen Al-shabaab u qabilsanaayeen weerarada looyaqaano jabhadaha ku waas oo ka hool galayey intabadan Koonfurta Soomaaliya sida; Jubada Hoose, Jubada Dhaxe, Baay, Bokool, Shabeelada Hoose, Shabeelada Dhaxe, Hiiraan iyo Mudug.

Qoraal kooban oo ay faafisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa lagu yiri, “Maleeshiyaadka isi soo dhiibay ayaa si gaar ah uga tirsanaa kooxda Jabhadaha ay ku sheegaan, iyagoo noqonaya tiradii ugu badneed ee hal mar iska soo dhiiba kooxda, iyadoo dhawaanahaanba ay aad usii kordhayeen Maleyahiyaadka iyo horjoogeyaasha ka soo baxaya garabka cadowga.”

Shalay ayay ahayd markii uu degmada Xarardheere iska soo dhiibay Maxamed Amiin oo dagaalamyaasha Al-Shabab ka soo goostay, kaas oo la sheegay in uu ka faa’ideystay Cafiska uu u fidiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.