Axmed Madoobe oo ka furay Kismaayo Shirka Madasha Xiriirka Arrimaha Bin’aadamnimada

Axmed Madoobe oo ka furay Kismaayo Shirka Madasha Xiriirka Arrimaha Bin’aadamnimada

Kismaayo (Raxanreeb) — Maanta waxaa Shirka Madasha Xiriirka Arrimaha Bin’aadamnimada Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland ka furmay Shirka Madasha Xiriirka Arrimaha bin’aadamnimada, kaas oo ay ka qeyb galayeen Wasiirrada Gargaarka ee Dowlad Gobaleedyada.

Shirkaan ayaa waxaa si wada jir ah u daahfuray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalaya Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macalim Cabdulle, Wasiirada Gargaarka dowlad Goboledyada, Agaasimaha Gargaarka Gobolka Banaadir, wakiilo iyo safiiro ka socda Beesha Caalamka.

Inta uu socda shirka ayaa Madaxda waxa ay uga hadli doonaan Jihaynta gargaarka iyo taakulada dadka Soomaaliyeed ee la kulma musiibooyinka dabiiciga ah gaar ahaan fatahaadaha iyo abaaraha.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Juun 3, 2023-ka Xarunta madaxtooyada ku qaabilay Gudoomiyaha Hay’ada Maareeynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle iyo Wasiirada Wasaaradaha Maareeynta Musiibooyinka ee Dowladaha Xubanaha ka ah JFS oo ka qeybgalaya shirka madasha arimaha gargaarka oo lagu qabanayo Magaalada Kismaayo.