Taliyaha booliska Soomaaliya oo si kadis ah ku tagay saldhigyo boolis

Taliyaha booliska Soomaaliya oo si kadis ah ku tagay saldhigyo boolis

Muqdisho (Raxanreeb) — Taliyaha ciidanka boliiska Soomaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin ayaa kormeer kedis ah ku tagay qaar kamid ah saldhigyada booliiska ku leeyahay gobolka Banaadir, si uu ugu kuurgalo shaqooyinka ka socda saldhigyadaasi.

Jeneraal Sulub ayaana si gaar ah kormeer ugu sameeyay saldhigyada qeybta booliiska ee bartamaha gobolka Banaadir, gaar ahaan saldhigyada degmooyinka Xamar-jajab, Xamar-weyne, Cabdicasis iyo Shangaani.

Taliyaha ayaa saldhigyada qaar kula kulmay taliyaasha saldhigyadaasi iyo ciidamo booliis ah, waxaana la sheegay in saldhiyda qaar uu kusoo arkay iyada oo shaqo ka socoto, halka kuwa kalana aysan ka socon shaqooyin ayna joogeen ciidamo tiro yar.

Kormeerka taliyaha ayaa la sheegay in ay ku qotontay u kuurgelida xaaladaha ay ciidanka ku shaqeeyaan iyo hannaanka adeega dadweynaha ee saldhigyadaas, wuxuu si gaar ah u kormeeray qeybaha OP-ga lagu qoro.

Booqashada taliyaha ku tagay saldhigyada booliis ayaa kusoo aadaya xilli muddooyinkii lasoo dhaafay uu sii xumaanayay ammaanka magaalada Muqdisho ayna ka dhacayeen dilal ay geesanayeen ciidanka dowladda iyo Al Shabaab.