CDF iyo kuwa Jubbaland oo howlgallo ka fuliyay Jubbada Hoose ku dilay Xubno katirsan Al-Shabaab

Kismaayo (Raxanreeb) — Warar dheeraad ah oo laga helayo howlgallo qorsheysan oo ay si wadajir ah maanta ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Nabad Sugidda uga sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose kaas oo lagu beegsaday xubno katirsan Al-Shabaab.

Howlgalkan oo ay iska kaashadeen ciidamada Danab iyo kuwa Jubbaland ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Taliye Carab Dheeg Axmed oo kamid ah saraakiisha howlgalka horkaceysay ayaa shaaca ka qaaday inay tageen deegaanka Turdho iyo deegaano kale ku teedsan jiinka Wabiga Jubba, isla-markaana ay khasaare culus gaarsiiyeen xoogaga Al-Shabaab.

Dheeg ayaa xaqiijiyay inay howlgalkan ku dilay 13 xubnood oo ka tirsanaa Shabaab, isla-markaana uu ku jiro sarkaal sare oo uu magaciisa ku sheegan Aruuriyow Maxamed Cumar oo magaciisa afgarashadu yahay (Axmed Sahal), kaas oo kamid ahaa saraakiisha Shabaab.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan dhanka jiinka wabiga, si ay Al-Shabaab uga saaraan halkaasi.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada huwanta Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa duleedka magaallo xeebeedka Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalkan ayaa ku soo aadayo, ayadoo haatan la qorsheynayo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu ka billowdo gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

Si kastaba, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haatan ku sugan Kismaayo, waxaana qorshaha uu u tegay kamid ah dardargelinta dagaalka Al-Shabaab.