Muqdisho (Raxanreeb Online) Waxaa maanta xiran dhammaan ganacsiyada Suuqa Bakaaraha, kaddib markii dowladda Federaalka Soomaaliya ay 9 shuruud hordhigtay Ganacsatada Suuqa wayn, shuruudahaas ayaa dhaliyay in la xiro goobaha Ganacsiga.
Ganacsatada ayaa ku dooday in qodobada qaar ay ku adag tahay sidaas awgeed ay u xireen goobahooda Ganacsiga.
Shuruud ku qoran yihiin waana:
1-Business license (Shatiga Hay’adda)
2-Passport Owners (Milkiilaha Baasaboorkiisa)
3-Company Profile (Hay’adda Profile-keeda)
4-Notory (Nootaayada/Xeerhoosaadka/ By Law-ga)
5-Company E-mail (Hay’adda E-maile-keeda)
6-Phone Number (Number-ka Hay’adda)
7-Bank Account (Akoon bangiyadooda)
8-Name of the House Owner And Resident Organization (Magaca milkiilaha Guriga Hay’adda ay degan yihiin)
9-House Rent (Lacagta kirada guriga)
Suuqa Wayn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, waxaa ku tiirsan dad badan oo isugu jira kuwa leh Goobaha Ganacsiga, Shaqaalaha ka howlgalla, Dadka garab raratada ah iyo kuwo kale balse xirnaashiyaha suuqaas ayaa saamayn adag ku reebay dadka ku nool caasimada.


Leave a Reply