Taliye Shub oo la wareegay hoggaanka Ciidanka Asluubta

Taliye Shub oo la wareegay hoggaanka Ciidanka Asluubta

Muqdisho (Raxanreeb) — Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macalin Maxamuud ayaa xilal u kala wareejiyay kusimihii ciidanka Asluubta Cabdikarim Cali Afrax iyo taliyaha cusub ee dhowaan looso magacabaay ciidaankaasi Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub).

Wasiirka Xasan Macalin ayaa bogaadiyay kusimihii taliyaha ciidanka Asluubta General Cabdikarim Cali Afrax sida howsha uu u waday intuu uu joogay taliska, sidoo kale wuxuu sheegay in taliyaha cusub General Mahad uu yahay nin shaqadaan yaqaan horena usoo qabtay wax badana ka ay ka filyaan dhamaan ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo qabsoomay todobaadkii hore ayaa Taliyaha Ciidanka Asluubta waxa ay ugu magacaabeyn Sareeye Guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ka dib soo jeedin ka timid Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta General ayaa aqoon iyo khibrad u leh arrimaha la xiriira waajibaadka Ciidanka Asluubta, kaas oo horey u soo noqday Taliyaha Ciidanka Asluubta, Taliyaha Dugsiga Labaatan Jirow iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska ee Gobolka Baay.

General Mahad ayaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta, isaga oo xilkaas iska casilay horaantii sanadkii 2022-ka, markaas uu ka mid noqday Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxa uuna ka mid ahaa Xildhibaannadii lagu soo doortay Magaalada Baydhabo oo ah Caasimadda KMG ee Dowlad Gobaleedka koonfur Galbeed.