Yaa kaalinta koowaad ka galay tartanka Qur’aanka Kariimka ee lagu qabtay Tanzania?

Yaa kaalinta koowaad ka galay tartanka Qur’aanka Kariimka ee lagu qabtay Tanzania?

Dar es Salaam (Raxanreeb) — Cumar Maxamed Xuseen oo u dhashay dalka Masar, ayaa kaalinta koowaad ka galay tartanka xifdinta Qur’aanka Kariimka ah ee Afrika, oo maanta lagu qabtay magaalada Dar es Salaam.

Xuseen waxa uu ka adkaaday 23 kamid ah ka qayb galayaasha, oo ka kala socday 23 waddan, oo ku yaalla gudaha iyo dibadda qaaradda Afrika, waxaanu ku guulaystay abaal-marin dhan 23 milyan oo shilin, oo u dhiganta 10 kun oo Dollarka Maraykanka ah.

Isla markaa laba Tanzanian ah oo u suurto gashay inay kamid noqdaan shanta ugu sareysa, ayaa kala ah Adurahim Abubakar Mascuud oo kaalinta saddexaad galay, iyo Bakari Juma Hamadi, oo kaalinta shanaad galay.

Tartankan oo ah kii 23-aad, ayaa waxaa ka soo qeyb galay kumanaan dadweyne ah, oo isaga kala yimid gobolada dalka iyo dibadda.

Sidoo kale, markii ugu horeysay taariikhda tartankan waxaa ka qeyb galaya ka qeyb galayaal ka socda Asia sida Sacuudiga, iyo waliba Mareykanka iyo Ingiriiska.

Markii hore ayaa waxaa jirtay cabsi laga qabay suurtagalnimada in dhaqdhaqaaqaasi uu waxyeelo soo gaaro, kadib markii uu da’ay roobab mahiigaan ah.

Si kastaba ha ahaatee markii dambe muwaadiniinta reer Tanzania, ayaa waxay u muuqdeen kuwo ku dhiiraday inay u adkeystaan ​​ilaa dhamaadka.

Marka laga soo tago guuleystayaasha, ayaa waxaa sidoo kale jira kuwa helay abaal-marin ah, inay cod wanaagsan ku leeyihiin akhriska, halka Salahdeen Katerega oo 13 jir ah oo u dhashay Uganda, uu helay abaalmarin dhan shan boqol oo dollar, isagoo noqday ka qeyb galaha ugu da’da yar, oo 13 sano jir ah.

Madaxweynaha Zanzibar Dr. Hissein Mwinyi, ayaa ahaa marti sharafta rasmiga ah, ee ku matalayay tartankani Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu Hassan.