Tirada Dadwaynaha Dunida oo maanta gaartay 8 Bilyan oo qof.

Newyork (Raxanreeb ) Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in tirada dadweynaha dunida ay maanta gaartay 8 bilyan oo qof.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in cunug dhashay saddex saacadood ka hor uu buuxiyay tirada 8 bilyan ee dadweynaha adduunka.

Waxaa ay tiradan buuxsantay 11 sano kaddib markii 7 Bilyan uu gaaray Dadka Adduunka.

Shiinaha oo la aamisan inuu yahay dalka ugu tirada badan aduunka ayaa  hada Qaramada Midoobay waxa ay sheegaysaa in ay dhaaftay Dalka India oo noqonaya dalka ugu badan ee ay ku nool yihiin dadka ugu badan.

Waxay sidoo kale sheegtay in ay 15 sano qaadan karto in tirada dadweynaha dunidu gaarto 9 Bilyan oo qof.

Tirada dadka kunool dunnida ayaa sii kordhayay sannadihii ugu dambeeyay sida tirakoobyo la sameeyay lagu shaaciyay , waxaana dadka dunnida ugu tirada badan safka hore ka galay dalalka Shiinaha iyo Hindiya .

Aqoonyahanada taariikhda ayaa sheegaya in marka dib loo eego kororka dadka adduunka ay xawli ku socotay tan iyo wixii ka dambeeyey sanadkii 1927-kii xilligaasi oo tirada adduunka ay mareysay 2 bilyan. Sanadkii 1959-kii waxay gaartay 3 bilyan.

Waxaa markasta sii kordhayey tirada dadka adduunka iyadoo sanadkii 1974-kii ay mareysay 4 bilyan. Sanadkii 1987-kii 5 bilyan, halka sanadkii 1998-kii ay ahayd 6 bilya n.

Leave a Reply

Your email address will not be published.