Raxanreeb (Muqdisho ) Maxkamadda ayaa sheegay in xubnahan maanta la toogtay ay ka tirsanayeen kooxda Daacish isla markaana dilalka ay ka fuliyeen magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso.
Ragaan ayaa lagu kala Magacaabi jiray Aadan Maxamed Cali Maxamuud iyo Maxamed Cali Maxamed Faarax kuwaas oo baaritaan dheer ka dib lagu helay dambi la xiriira in dilal ay ka fuliyeen dalka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u muuqata in maalmahan magaalada ay ka fulinayso dilalka dadka loo haysto arrimo ku saabsan Al- Shabaabnimo iyo in dilal ay ka fuliyeen caasimadda ama meel kale oo ka baxsan.
Xabsiyada magaalada Muqdisho waxaa ku xiran xubno badan oo loo – haysto falal ku saabsan in dilal ay ka gaysteen magaalada Muqdisho ama meel kale oo dalka ah.
Waa todobaadkii labaad oo xiriir ah oo Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ay xukun dil toogasho ah ay fuliso, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay sidaan oo kale xukuno dila ah lagu fuliyo rag kale.
Leave a Reply