Mareykanka oo duqeyn ku dilay xubno katirsan Al-Shabaab

Muqdisho (Raxanreeb) — Millitariga Mareykanka ayaa sheegay inay Soomaaliya ka fuliyeen duqeyn lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo dagaal kula jiray ciidamada Xoogga Dalka.

“Iyada oo la kaashanayo dowladda federaalka Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) wuxuu fuliyey duqeyn ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab oo weerarayey ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliya, meel u dhow degmada Buulobarde, oo qiyaastii 218 KM waqooyi-galbeed kaga beegan Muqdisho, October 23,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay AFRICOM.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in qiimeynta horudhaca ah ay muujineyso in duqeynta lagu dilay laba Al-Shabaab ah, islamarkaana aysan jirin wax khasaare ah oo kasoo gaaray shacabka.

“Taliska AFRICOM wuxuu qaadayaa tallaabooyin waa weyn si looga hortago waxyeellada rayidka. Ilaalinta rayidka waa qayb muhiim ah oo ka mid ah hawlgallada taliska uu sare ugu qaadayo Afrika xasilloon oo ammaan ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka socda dagaal xooggan oo ay iska kaashaanayaan ciidamada dowladda iyo shacab hubeysan oo la baxay Macawiisley, dagaalkaas oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.