New York ( Raxanreeb Online) Sanadkii hore, Donald Trump wuxuu ballan qaaday inuu dagaalka Ukraine ku soo afjari doono “24 saacadood gudahood.”
Toddobaadkii hore, wuxuu sheegay in arrintaasi aysan xal noqon doonin illaa isaga iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ay “isu yimaadaan” oo ay si fool-ka-fool ah uga wadahadlaan. Isniintii, xaaladdu way is beddeshay mar kale.
Kadib markii uu la yeeshay wicitaan labo saacadood qaatay Putin, Trump wuxuu sheegay in shuruudaha heshiis nabadeed ay tahay in loo wadahadlo oo keliya Ruushka iyo Ukraine – waxaana laga yaabaa in uu ka caawiyo wadaxaajoodkaas Baadariga Vatican-ka.
Trump, ayaa ku tilmaamay wada hadalkaas mid “si aad ah u wanaagsanaa”, waxaa sidaas oo kale uu sheegay in shuruudaha nabadda ay tahay in labada dhinac ay si wadajir ah uga heshiiyaan.
Leave a Reply