Soomaaliya iyo Dowladda Ciraaq ka dalbatay inay dayactirto warshada Shidaalka ee…

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa inta uu ku sugnaa dalka Ciraaq, isla markaana uu ka qeyb galayay shirkii 34-aad ee Jaamacadda Carabta, ayaa dowladda Ciraaq ka dalbaday in ay ka gacan siiso dayactirka Warshada Shidaalka oo ay dowladda Ciraaq dhistay sannadkii 1974-tii.

Warshadan oo ku taalla waqooyi-bari ee degmada Baraawe, ayaa awood u leh inay sifeyso 10,000 oo fuusto oo saliid ah maalintii una dhiganta sannadkii  500,000 oo fuusto.

Warshadan ayaa waxaa dhisay Shirkad Ciraaq laga lee yahay oo lagu magacaabo  Generaal Campany for Oil Project.

Heshiiska dhisamaha shirkadan ayaa waxa uu dhigayay in Ciraaq ay maalgelsio dhismaha warshada, halka Soomaaliya ay bixin laheyd kala bar kharashada muddo saddex sanno gudahood marka ay howlgasho.

Sidoo kale warshadan ayaa waxa ay shaqeyneysay 1980-kii, markaas oo shidaalka Ciraaq la joojiyay sababo la xiriira dagaalkii Ciraaq iyo Iran, itaas kadib wuu sii yaraanayay waxsoosaarka warshada ilaa uu gaaray %6 sannadkii 1989.

Sikastaba, tallabadan ay dalbatay dowladda Soomaaliya, ayaa ku soo aadeysa iyada Soomaaliya iyo Turkiga ay wadagaareen heshiisyo la xiriira sahaminta Shidaalka iyo Gaaska.

Leave a Reply

Your email address will not be published.