Muqdisho (Raxanreeb Online ) Ururka Qareennada Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah uga horyimid qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, kaas oo lagu dalbanayo in la soo saaro amar ama go’aan lagu nidaaminayo habraaca shaqada iyo mihnadda qareennimada.
Ururka ayaa walaac ka muujiyay tallaabadan, isagoo ku dooday in nidaaminta mihnadda qareennimada ay leedahay sal-dhig sharci oo gaar ah, isla markaana ay jiraan hay’ado iyo habraacyo uu sharcigu u xilsaaray maamulka iyo nidaaminta mihnadda.
Qareennada Soomaaliyeed ayaa sheegay in qoraalkaasi u baahan yahay in si taxaddar leh loo eego, maadaama ay muhiim tahay in awoodaha hay’adaha kala duwan lagu saleeyo Dastuurka iyo shuruucda dalka.
Ururku wuxuu sidoo kale tilmaamay in xiriirka ka dhexeeya Garsoorka iyo Qareennada uu muhiim u yahay hannaanka caddaaladda, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in la ilaaliyo wada-shaqeyn ku dhisan ixtiraamka sharciga iyo awoodaha hay’adaha.
Geesta kale Ururka Qareennada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare inuu dib uga laabto awaamiirta ay ka horyimaadeen, isla markaana arrinta lagu wajaho wada-tashi iyo wada-shaqeyn dhex marta hay’adaha ay khuseyso.
Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay mihnadda qareennimada iyo hannaanka garsoorka Soomaaliya muhiimad gaar ah ku leeyihiin dadaallada lagu xoojinayo ku dhaqanka sharciga, madaxbannaanida garsoorka iyo helitaanka caddaalad hufan.

Leave a Reply