Xuuthiyiinta Yemen oo weeraro sababay khasaaro ku qaaday Sacuudiga

Sanca (Raxanreeb Online) Xaaladda colaadda Yemen ayaa sii xumaanaysa kaddib markii la sheegay in Xuutiyiinta Yemen ay weerarro isugu jira gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku qaadeen bartilmaameedyo muhiim ah oo ku yaalla Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah weerarrada lagu beegsaday kaabayaal saliid iyo xarumo militari, iyadoo la soo wariyey inay sababeen khasaare isugu jira naf iyo maal.

Weerarradan ayaa kusoo beegmaya xilli dagaallada u dhexeeya Xuutiyiinta iyo dowladda Yemen oo ay taageerayaan xulafada Sacuudiga ay xoogaysteen, iyadoo dhinacyada dowladda iyo xulafadooda ay wadaan howlgallo ay ku doonayaan inay cadaadis ku saaraan Xuutiyiinta iyo inay dib ula wareegaan deegaano ay gacanta ku hayaan.

Wararka qaar ayaa sidoo kale tilmaamaya in dagaalladu ay sababeen barakac iyo dhimasho badan, inkastoo tirooyinka lagu sheegay warbixinnada kala duwan ay u baahan yihiin in lala barbar dhigo xogta rasmiga ah ee hay’adaha caafimaadka iyo kuwa bani’aadantinimada.

Isbeddelka dagaalka ayaa sidoo kale muuqda, iyadoo wararka laga helayo goobaha dagaalka ay sheegayaan in Xuutiyiintu ay lumiyeen qaar ka mid ah deegaanadii ay horey u haysteen, halka dowladda Yemen iyo xoogagga taageersan ay sheeganayaan horumar dhuleed oo ballaaran.

Leave a Reply

Your email address will not be published.